Daawo Sawirrada: Musharax Xildhibaan Heer Federaal Eng. Mohamud Mohamed Farah.

0

Aqoonyahan Eng Mohamud Mohamed Farah oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan inuu kamid noqdo xildhibaanada dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.Kulan lagu taageerayay siyaasiga dhalinyarada ah oo doonayo inuu ka mid noqdo xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay magaalada Nairobi caasimada dalka Kenya.

Waxaa xalay Munaasabad casho sharaf ah oo lagu taageerayay Mudane Eng Mohamud Mohamed Farah oo u sharaxan in uu kamid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 2016-ka, ka dhacday Hotelka Grand Royal ee magaalada Nairobi. Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay dhamaan inta ay jaaliyada ka koobantahay sida Waxgarad, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo Dhalinyarada Beesha Cali Mohamed(Cali Dheere) ee Marexaan Sade, waxa ayna munaasabadan ku taageerayeen Mudane Eng Mohamud Mohamed Farah oo u sharaxan in uu kamid noqdo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dadkii kala duwanaa ee Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ay taageersan yihiin ayna ku garab taagan yihiin Mudane Eng Mohamud Mohamed Farah in uu kamid noqdo Baarlamaanka Cusub uuna u matalo beesha uu kasoo jeedo.

Musharax Mudane Eng Mohamud Mohamed Farah oo isna kulan ka hadlay ayaa ka waramay waxqabadkiisa mustaqbalka iyo Aqoontiisa, waxa uuna tilmaamay hadii uu ku guleysto gursigaan baarlamaanka in uu waxbadan ka qaban doona noolasha aas aasiga ah sida waxbarashada,cafimaadka iyo hormarinta reer-miyga.

Waxa uu balanqaaday in uu wax badan qaban doono haddii uu ku guuleysto kursiga Baalamaanka uu hada u tartamayo, waxa uuna ka codsaday xubnaha beeshiisa in ay ku taageeraan sidii uu uga mid noqon lahaa Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee la dhisayo sanadkan.

Kulankan lagu taageerayay Musharaxa Xildhibaanka 2016-ka ayaa jawi heer sare ah kusoo dhamaaday , waxaana Musharaxa Mudane Eng Mohamud Mohamed Farah uu maanta helay kalsoonida jaaliyada beeshiisa ee ku dhaqan Magaalada Nairobi in uu ku matalo Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharaxaan ayaa wuxuu noqonayaa Musharixii ogu da’da yaraa ee isku soo taago xilka baarlamaanka Soomaaliya, taasna waxay noqoneysaa in dhalinyarada aqoonyahanada ah ee soomaaliyeed ay ka qeyb galaan xilalka sare ee dalka Soomaaliya.

13256399_1036651836383453_6260073082535965369_n aaaa (9) aaaa (10) aaaa (11) aaaa (16) aaaa (21) aaaa (23) aaaa (24) aaaa (26) aaaa (27) aaaa (30) aaaa (31) aaaa (33) (1) aaaa (35) (1) aaaa (41) aaaa (72) aaaa (77) aaaa (78)