Daawo Sawirrada:Madaxweynaha DDSI Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyay Madaxweynayaasha Jubbaland Iyo

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jig Jiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Cabdi Maxamed Cumar uu xalay xaflad soo dhaweyn ah ugu sameeyayay xarunta Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland Axmed Madoobe iyo C/kariin Xuseen Guuleed.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Xafladan uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Cabdi Maxamed Cumar ay ka qaybgaleen Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland Axmed Madoobe iyo C/kariin Xuseen Guuleed iyo masuuliyiin ka tirsan Ismaamulka.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya ayaa Xaflada wuxuu ka sheegay inay diyaar u yihiin ka shaqeynta nabad ku wada noolaanshaha dadka wada dega xuduuda.

Wuxuu soo hadal qaaday dagaaladii ka dhacay Deeganada ku teedsan xuduuda, wuxuuna sheegay muhiim inay tahay in shacabka halkaasi wada dega ay nabad ku wada noolaadaan.

Dhinaca kale Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa wuxuu sheegay in sidoo kale Maamulada Jubbaland iyo Galmudug looga baahan yahay kordhinta dagaalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

Isku soo wada duuboo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuled ayaa soo dhaweeyay hadalka Madaxweynaha DDSI kaasi oo ku saabsan inay diyaar u yihiin ka shaqeynta ammaanka shacabka dega deeganada xuduuda, Maanta ayaa lagu wadaa in labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay ka wada hadlaan arrimaha ku aadan dagaaladii ka dhacay deeganada xuduuda.

jig1 jig2 jig3 jig4

jig

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media