DAAWO:- Shirkii Baarlamaanada Afrika oo ka furmay Magaalada Johannseburg iyo Soomaaliya oo ka qeyb galeysa

0

Shirka Barlamaannada Afrika oo Magaalada Johannseburg ka furmay ayaa waxaa kasoo qeybgalay madax ay ka mid ahaayeen madaxweynihii hore ee Muzambig, madaxweyne kuxigeenka dalka Siraliyon, saddex guddoomiye baarlamaan oo uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Barlamaanka Jabuuti, Wasiiro ka socday Koonfur Afrika, Gambia iyo Guddoomiyaha Barlamaannada Carabta.

Xildhibaan Cabdi Xukun oo ah mudane ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaan baarlamaanka Pan Afrika uu Soomaaliya macno badan u leeyahay, mas’uuliyiintii timidna ay inta badan xaaladaha adag ee Afrika ka jira ay Soomaaliya mudnaanta koowaad galiyeen.

“ Shirkan wuxuu micno badan u leeyahay Soomaaliya waana kala hadalnay xaaladaha ay hadda Soomaaliya ku jirto Barlamaanka”

Kulankaan oo Soomaaliya uga duwan kulamadii hore ayaa waxaa la qabtay doorasho lagu dooranayay gudoomiyaha Gudi gobaleedka Bariga Afrika oo ay ku tartameen xildhibaan Cabdi Xukun iyo Xildhibaanad dalka Ethiopia udhalatay, waxaana ku guuleystay kursigaasi Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Xukun oo kuguuleystay Gudoomiyaha gudi Gobaleedka Bariga Afrika ee Baarlamaanka Pan Afrika ayaa ka warbixiyay qaabkii ay udhacday doorashada iyo cododka uu ku guuleystay. wuxuuna intaa ku daray in xildhibaanadii u codeeyay ay Soomaaliya u codeeyeen ee aysan shaqsiyan ugu codeyn.

Kulankaan Baarlamaanka Pan Afrika oo ah Kalfadhigii Afaraad kulankiisa labaad ayaa waxaa lagu dhaariyay kudhawaad Konton Xildhibaan oo badalayay kuraas ay baneeyeen xildhibaanadii ka yimid wadamadooda, waxaana xildhibaanadaas la dhaariyay ka mid ahaa, xildhib

Sidoo kale Mudanayaal ka tirsan walaalaha Jabuuti oo ka qeybgalayay Shirkan ayaa waxaa khudbad ka hadlaysay xuquuqda Aadanaha iyo haweenka haweenka ayaa sheegay in dastuurka dalka Jabuuti uu ku saleysan yahay labadaas uu ajandaha kulanku ku saabsan yahay.

Soomaaliya waxay ka mid tahay Wadamada sida joogtada ah ugu qeybgala kulamada ee Pan Africa iyadoo ay Xildhibaanada ka socda Golaha Shacabka soo bandhigaan baahida ay Soomaaliya u qabto dhinaca amaanka,kaabayaasha dhaqaale iyo arimo kale.

Xigasho Warbaahinta Dowlada

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 8d1bf76c-8e5e-4dce-91e6-61db753c8284 28b7c214-777b-47ba-99e4-47ae5827ebe0 094ae510-0381-41cf-9f76-01e6df3c28ab 209f7e64-9d75-43b6-b80f-f5ed07c617bd 468c92e5-805b-4c29-ac90-978817382b3e 3188dbe0-626c-4595-bbc8-69bd8493ad69 11626f67-f721-4be4-8b10-3ac4457136b1 65905af4-c1d9-447a-9aae-e80df72f42e0 96627d3a-96c9-4e17-bdf6-7c896c177b80 612905f6-fbac-4f02-8edf-e4be7003b70f 1177615b-218b-4601-acbf-6a6044407321 ac55151c-a55c-43ae-ae19-8d0625ef57c8 af32b0a2-a0d3-4e9e-885a-2aefe184d173 c99b4f22-2cba-43c7-8a45-17e6fff51469 df64e6b0-ee06-4842-9de5-e0677f0244fd