DAAWO:- Shirkii ka socday Dalka Turkiga oo la soo gabagabeeyay

0

Shirkii ku saabsanaa arrimaha bani aadannimada ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray ilaalinta xaquul insaanka, arimaha Bani aadanimada iyo sidoo kale dhowrida qaxootiga.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay marxaladda uu dalku marayo iyo muhiimada arimaha dhowrista arimaha Bani aadanimada.

Xoghayaha guud ee QM, ayaa ugu baaqay dowladaha caalamka, ganacsiyada iyo hay’adaha gargaarku in ay go’aansadaan in kala bar ay noqdaan tirada dadka guryahooda ka barakacay marka la gaaro sanadka 2030.
Wuxuu yiri waxaan idinku dhiirigalinayaa in aad xal muddada dheer ah u heshaan qaxootiga iyo barakacayaasha si wadajir ahna loo qaybsado mas’uuliyadda.

Madaxwaynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa asana dhankiisa walaac badan ka muujiyay qaxootiga faraha badan ee jooga dalkiisa wuxuuna sheegay in dalka Turkiga ay ku suganyihiin ilaa 3 million oo qaxooti ah, waxa uuna sheegay in culayskooda lagu daayay dalka Turkiga.

Shirka weli War murtiyeed lagama soo saarin.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 2 3 4 5 6 7 8