DAAWO:- Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya oo booqday Askartii ku dhaawacantay dagaalkii Gobolka Sh/Dhexe

0

Iyadoo dhowaan degmada Runirgood ay ku dagaalameen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ururka Al-shabaab ayaa maanta taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Aadan Axmed waxa uu booqday askartii ku dhaawacantay dagaalkii ka dhacay degmada Runirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha ayaa balan qaaday in dhaawacyada askarta qaar ee Isbitaalada gudaha wax looga qaban waayey in ay uqaadi doonaan dalka dibadiisa.

Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa dhiira galin weyn usameeyay askartii ku dhaawacantay dagaalkii ka dhacay degmada Runirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana uu sheegay in ay yihiin geesiyaal Qaran .

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay sare u qaadi doonaan daryeelka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhowaan ayay aheyd markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ay ku dagaalameen degmada Rumirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana degmadaasi hada gacanta ku haya ciidamada dowladda.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 3 4 5 7