DAAWO:- Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo booqday xarun lagu dhaqan celiyo dhalinyarada ka soo goosata Al-shabaab

0

Wakiilka gaarka ah ururka midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa booqday xafiiska hay’adda dhaqancelinta dhalinyarada ka soo baxsatay Al shabaab, isaga oo la kulmay agaasimaha guud ee hay’adda Mudane Malik Cabdalla iyo xubno kale oo ka tirsan shaqaalaha hay’adda.

Booqashada Amb. Madeira ayaa waxaa ku wehliyay safiirka dalka Burundi u qaabilsan Soomaaliya, Taliyaha Ciidamadda AMISOM iyo saraakiil kale, waxaana uu ku bogaadiyay madaxda hay’adda sida ay xil isaga saareen xanaaneynta iyo wacyigelinta dhalinyaradan ka soo baxsatay Al shabaab.

Sidoo kale, Amb. Madeira ayaa xusay in ururka midowga Africa uu ku dadaali doono sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen xanaaneynta, tababarka, wacyigelinta iyo tiiraanyo bixinta dhalinyaradan, maadaama ay yihiin dhalinyaro markii hore la qalday, kadibna garowsaday inay ka laabtaan, maadaama ay indhahooda ku soo arkeen dhibaatooyin fara badan.

Agaasimaha hay’adda Malik Cabdalla ayaa uga mahadceliyay wakiilka midowga Afrika booqashadiisa, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in ururka midowga Afrika iyo dhamaamba beesha caalamka ay ka sugayaan inay ka garab siiyaan sidii dhalinyaradaan loo bari lahaa xirfado ay ku shaqeystaan, si ay u maareeyaan noloshooda.

Agaasime Malik Cabdalla ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay ka go’antahay in ay dhalinyaradan u sameyso mustaqbal ay noloshooda ku maareystaan si anay u qaldin mar kale. Sidoo kale Agaasimaha wuxuu sheegay in ay baraan xirfaddo kala duwan sida waxbarashada iskooladda caadiga, farsamooyinka gacanta, iyo in loo sameeyo wacyi gelin buuxda, si ay maskaxdooda u gasho wanaaga.

Xigasho Wakaalada Sonna

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 2 3