Dagaal weli ka socda Magaalada Falluuja iyo Khasaaraha oo sii kordhaya

0

Dagaal xoogan ayay ciidamada dowladda Ciraaq ka wadaan magaaladda Fallujah.

Magaaladda waxaa haysta oo difaacanaya kooxda Daacish ama dowladda islaamiga ah.

Waxaa muuqata in ciidanka dowladda Ciraaq ay samaynayaan waxoogaa horumar ah.

Dagaalamayaasha kooxda Daacish ayaa iyagana wada difaac adag.

Magaalada Fallujah ayaa lagu soo waramayaa inay noqotay mid cidlo ah.

Waxaa qasaare uu soo gaaray dhismooyinka magaaladda dukaamadana waa ay gubteen.

Waxaa sidoo kale laga walwalsan yahay 50 kun oo shacab ah oo magaaladda ku xaniban.

Tiro yar oo dad ah ayay u suurogashay inay magaaladda ka baxsadaan.