DEG DEG:- Al-shabaab oo Go’doomiyay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud

0

Wararka ka imaanaya Bariga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Go’doomiyay Degaanada Caws-weyn, Ceel-hareeri, Galcad iyo Budbud oo ka tirsan Galgaduud bariga gobolkaasi.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Al-shabaab ay Amreen in aysan Gaadiidka Xamuulka qaada gali karin Degaanadaas kana soo bixi karin.

Dhanka kale Ciidamada Milatariga soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaqyo looga hortagayo  Go’doominta Al-shabaab ka wada Bariga Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada ayaa hadda halkaa ka bilaabay is Abaabul ku aadan in Shabaab lala dagaalamo si aan loo Go’doomin Degaanadas.

Shabaab ayaa horay u Go’doomiyay Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin.