DEG DEG:- Al-Shabaab oo la sheegay iney la Wareegeen deegaanka Ruunirgood Ee Gobolka Sh/Dhex

0

Wararka ka imaanaya Degaanka Ruunirgood Ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay Dagaal kula Wareegeen.

Degaanka Ruunirgood oo Shalay ay la Wareegeen Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa Saaka Waxaa Dagaal Xoog leh ku soo qaaday Al-shabaab,kuwaas oo halkaa la wareegay.

Dad Goobjooeyaal ah ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Degaanka laga saaray islamarkaana Al-shabaab ay Degaanka si buuxda ula Wareegeen oo ay ka Taageen Calanka Madoow ee Shabaab lagu yaqaanno.

Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac intaba ah ayaa soo kala gaaray Labada Dhinac,inkastoo aan la sheegin Tirada Rasmiga ah ee Dagaalka lu wax yeeloobay.

Ciidamada Dowladda ayaa hadda la soo Warinayaa in ay isku Arursanayaan Duleedka Degaanka Ruunirgood oo Saaka Dagaal looga saaray.