DEG DEG:- Amaanka Magaalada Dhuusomareeb oo la adkeeyay

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Dhuusamareeb.

ciidanka maamulka Ahlu suna ayaa taagan goob kaste oo ka mid ah meelaha laga soo galo magaalada Dhuusamareeb sidoo kale waxaa ciidamo dheeraad ah la geeyey garoonka diyaaraha ee magaalada Dhuusamareeb halkaas lagu wado in ka degto wasiirka koowaad ee dowladda Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiida Cali Sharmaake ayaa maanta la sheegaya in uu ku wajahanyahay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa gacanta ku haya maamulka la magac baxay gobolada Dhexe,oo kasoo horjeeda maamulka Galmudug oo ay aqoonsantahay dowladda Soomaaliya.

Wafdiga Ra’iisulwasaaraha ayaa la sheegaya in ay kulamo  la qaadan doonaan maamulka gobolada Dhexe.

Wafdiga Ra’iisulwasaaraha ayaa la sheegaya in ay ka mid yihiin xubno sar sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya.

Ururka Ahluna Suna ayaa ka soo horjeeda maamulka Galmudug,waxaana la sheegaya in Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uu ururkaas kala hadli doono sidii ay u raaci lahaayeen maamulka Galmudug