DEG DEG:- Askar ka tirsan Ciidamada Puntland oo lagu dilay Buuraleyda Galgala

0

Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in laba ka tirsan ciidamada Punland ay dhinteen shan kalena ay dhaawcmeen kadib markii ay miino la qarxday, xili ay ku socdeen buuralayda Galgala oo fariisin u ah guutooyin ka tirsan ciidamada.

Ciidamada Puntland ee Qarax loo dhigay ayaa la sheegay in ay Saarnayeen Gaari nuuca Soomaalidu ay u taqan Cabdi bilaha.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaan, waxaana sheegtay Mas,uuliyada Qaraxa Al-shabaab.

Puntland ayaa Buuraleyda Galgala kula Dagaalanta Al-shabaabka halkaa ku sugan,inkastoo Shababkaasi ay sheegeen in ay la bahoobeen Ururka Daacish.

Wixii soo kordha kala soco Shabakada Wararka Allgalgaduud.com..