Deg Deg: Ciidamada dowladda oo Caawa Labo qof ku dilay magaalada Beledweyne

0

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Beledweyne gaar ahaan deegaanka Ceel-jaale ayaa waxa ay sheegayaan in Labo qof ay ku dhinteen Rasaas la sheegay in ay fureen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen dad Deeq gar gaar ah loogu qeybinayay deegaanka Ceel-jaale.

Magaalada Beledweyne waxaa maalmahan ka socota sidii gar gaar loogu fidin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaada Wabiga Shabeele, iyadoo ciidamada dalka Jabuuti iyo kuwa AMISOM ay Beledweyne ka wadaan gacan qabashada dadka uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay wadaa dadaalo wax loogu qabanayo dadka uu ku soo fatahay Wabiga Shabeele.

Dowladda Turkiga ayaa maanta waxa ay dowladda Soomaaliya ku wareejisay Markab siday Deeq gar gaar ah si wax loogu qeybiyo dadka ay saameysay abaaraha dalka ka jira.

Gobolada qaar ee dalka ayaa waxaa ku dhuftay abaaro baahsan iyo sidoo kale fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeele.