DEG DEG:- Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Jubbaland oo Degmada Dhoobleey ku dagaalamaya

0

Labo Askari ayaa ku dhimatay, tiro kalena wey ku dhaawacmeen ka dib markii Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Jubbaland ay goor dhaw ku dagaalameen degmada Dhoobley ee gobalka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu salka ku hayo ka dib markii la xiray askari ka tirsan ciidamada dagallamaya, waxaana ka billowday gacan ka hadal kaasoo khasaaro geestay.

Iska hor imaadka ayaa weli socda mana jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Maamulka Jubbaland.