DEG DEG:- Ciidanka Dowlada oo xeray Agaasimaa Idaacada Goobjoog ee Muqdisho

0

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa xeray Agaasimaha Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho Xasan Maxamuud.

Agaasimaha Goobjoog ayaa la sheegay in Saakay loogu yeeray Xarunta Dambi baarista CID ee Muqdisho.

Tifaftiraha Idaacada Goobjoog ee Muqdisho oo so kooban ula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Agaasimaha Saakay loogu yeeray Xarunta CID ka dibna lagu war geliyay inuu Xarig yahay.

Tifaftiraha ayaa Xariga Agaasimaha ku sheegay iney u maleynayaan Wareysi ay shalay la yeesheen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo isagoo ku xeran Xabsiga Muqdisho Wareysi siiyay Idaacada Goobjoog.

wixii soo kordha kala soco Shabakada Wararka Allgalgaduud.com…