DEG DEG:- Dagaal Culus oo hada ka socda deegaan ka tirsan gobolka Sh/Dhexe

0

Wararka naga soo gaarya deegaanka Runirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab uu ka dhacay halkaas.

Dagaalka ayaa bilawday kadib markii ay magaalada ku soo rogaal celiyen dagaalamayaal ka tirsan Al Shabab oo shalay magaalada ay kala wareegen ciidamada dowlada.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegay inay weli ku sugan yihiin Deegaanka Runirgood, islamarkaana ay iska caabinayaan ciidamada Shabaabka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo lahadlay idacaadda Risaala ayaa sheegay in ay kusoo waabariisteen daryanka madaafiicda.