DEG DEG:- Iska hor imaad ka dhacay Degmada Afgooye iyo Khasaaro ka dhashay

0

Wararka inaga soo gaaraya degmada Afgooye gaar ahaan xaafada Xaawo Taako ayaa waxa ay sheegayaan in iska hor imaad halkaasi ku dhexmaray Guutada 5-aad ee ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waxaana iska hor imaadkaas uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wariyaha Afgooye inooga soo warama ayaa waxa uu soo sheegayaa in 1 askari uu ku dhintay iska hor imaadka halka askari iyo qof shacab ahna ay ku dhaawacmeen.

Waxaana dhaawacyada la geeyay isbitaalka degmada Afgooye, iyadoo goobta ay wax ka dhaceen jawigeeda hada uu yahay mid degan.

Saraakiisha dowladda ee ku sugan Afgooye ayaanan wali ka hadlin dhacdadan.

wixii soo kordha kala soco Shabakada Wararka Allgalgaduud.com…