DEG DEG:- Kooxo hubeysan oo Caawa dil ka geystay Degmada Dharkeynleey

0

Wararka inaga soo gaaraya caawa degmada Dharkiinley ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow xaafada Suuq-liif ee degmadaasi  lagu dilay askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaalliya.

Askariga ayaa la sheegay in ay dileen kooxo hubeysan, iyadoo kooxihii dilka geystayna ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Dad goob joogayaal ah oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in goobta ay soo gaareen maamulka Ddegmada Dharkiinley iyo ciidamada amniga.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay wadaan howlgallo lagu sugayo amniga iyo baadigoobka kooxihii dilka geystay.

Maalmihii udambeeyay ayaa degmada Dharkiinley waxaa ka dhacayay dilalka nuucaan oo kale ah kuwaas oo lala beegsanayay ciidanka dowladda iyo dad shacab ah.