Deg Deg: Qarax ciidamada Puntland lagula eegtay Galgala

0

Wararka inaga soo gaaraya Buuraha Galgala oo ka tirsan gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland Qarax lagula eegtay halkaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu qabsaday gaari nuuciisu yahay Cabdi Bile oo ay saarnaayeen ciidamada maamulka Puntland, waxaana la sheegay in Qaraxaasi uu geystay khasaare.

War kooban oo lagu daabacay baraha wararkooda ay ku faafiyaan ayay ku sheegteen Mas’uuliyada Qaraxa lala eegtay ciidamada Puntland, iyagoo sidoo kale sheegay in ay dileen ciidamo fara badan oo ka tirsan maamulka Puntland.

Saraakiisha maamulka Puntland oo dhankooda warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in khasaaraha soo gaaray ciidamada Puntland uu yahay mid yar oo sida Al-shabaab ay ubuun buuninayaan aysan ujirin.

Dhowaan ayay aheyd markii sidan oo kale ciidamo ka tirsan maamulka Puntland Qarax lagula eegtay Buuraha Galgala, waxaana ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.