DEG DEG:- Qarax Xoogan oo ka dhacay gobolka Gedo

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Yurkud oo ka tirsan Gobolka Gedo, Qarax Khasaare geystay ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya.

Qaraxan oo ahaa miino ayaa la sheegayaa inuu qabsaday mid ka mid ah kolonyo gaadiid oo ay wateen ciidamada Itoobiya, waxaana la sheegayaa inuu halkaasi ka dhashay Khasaare.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa sheegay inuu jiro qaraxaasi oo maanta barqadii ciidamada Itoobiya lala eegtay, hayeeshe aysan aqoon Khasaaraha ka dhashay.

Wixii soo kordha la soco..