DEG DEG:- Shil gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaro ka dhashay

0

Isgooska Sayidka degmada howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa la sheegay in shil Gaari oo Khasaare geystay uu ka dhacay halkaas.

Shilkaan  ayaa yimid ka dib markii gaari nooca loo yaqaano Gaaribta oo ku socday xawaare sare ku dhacay mooto Bajaaj goobta Maraysay oo ay dad saarnayeen.

3 qof ayaa ku dhaawacantahay oo ka mid ah dadkii saarnaa mooto Bajaajta ,dadka uu dhaawaco soo gaaray ayaa la sheegaya in mid ka mid ah xaaladiisa caafimaad ay darantahay.

Dad goobjoogyaal ah ayaa inoo sheegay in dadka dhaawacmay isbitaal loola cararay.

wixii soo kordha la soco…