DEG DEG:- Soomaali ka mid noqotay dadkii ka qaxay Dab ka kacay magaalo ku taal Canada

0

Dab xooggan ayaa ka kacay magaalada Fort McMurray ee ku taal Gobolka Albert ee dalka Canada, halkaasoo ay ka barakaceen ku dhowaan 60-kun oo ruux.

Sida ay soo tabinayaan Warbaahinta Canada dabkan ayaa baabi’iyay guryo fara badan oo uu ka dhashay dambas.

Dadka ka qaxaya dabkan ayaa la arkayay, iyagoo ka cararayay guryahooda, waxaana ay raxan raxan u socdeen wadada weyn ee aada magaalada Edmonton.

Waxaa la soo bad baadiyay dad guryaha ku go’doomay oo uu dabka ku qabsaday, iyagoo aan ogeyn, waxaana la soo sheegin wax dhimasho iyo dhaawac.

Muuqaal ay soo bandhigayeen warbaahinta ayaa muujinaya holac ka baxayay guryaha, iyo qiic, waxaana lagu qiyaasayaa guryaha gubtay in ka badan 1,600 oo guri.