DHAGEYSO:- Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay arrin la wada sugaayay

0

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cadeeyay  inuusan jiri doonin in Muddo kordhin loo sameeyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federalka Somaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u xaqiijinaya in dalka Doorasho ka dhaceyso, ayaa sheegay inuu muhiim yahay waqtigii loogu talo galay in dalka ay doorasho ka dhacdo, iyadoo aanan lagu fekereyn muddo kororsi iyo wax la mid ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay qorshaha inuu yahay 20-ka Bisha August inay joogaan xubnaha cusub ee Baarlamaanka dalka ee bedeli doona Baarlamaanka hada shaqeeya.

Dowladda Somaliya ee hada shaqeysa ayaa waqtigeeda waxaa u haray muddo kooban, waxaana la filayaa in dalka ay ka dhacdo doorasho isbedel keenta.

Hoos ka Dhageyso Codka:-