DEG DEG+DHAGEYSO:- Ciidanka Liyuu Boolis oo la sheegay in ay Carruur Afduubteen

0

Wararka ka imaanaya Degaanada Labo-baar iyo Mustaxiil oo ka tirsan Dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidanka Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay Afduubteen ilaa 7 Ruux oo Carruur ay ka mid yihiin.

Khadiijo Macalin Xuseen oo ka mid ah Dadka ku nool Degaanka Mustaxiil oo la hadashay KNN Muqdisho Soomaaliya ayaa sheegtay in 7 Ruux Shan ka mid ah ay yihiin Carruur ay dhashay islamarkaana aysan ogeyn halka lala Aaday Dadka ay Ciidamada Liyuu Boolis Afduubteen.

Eeda loo jeediyay Ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaan ka hadlin waxa ka jira run iyo been,iyadoo halkaa ay ka jiraan Cabsi ay qabaan Dadka Shacabka ah ee ku nool Labo Baar iyo Mustaxiil.

HALKAAN KA DHAGEYSO