DHAGEYSI XASAASI AH+AKHRIS: Maxaa ka soo baxay Shirkii Isimadda Puntland qaarkood uga socday Garoowe?

0

Maalmihii ugu dambeeyey Shir u socday qaar kamid ah Isimadda dhaqanka ee Puntland, kana socday magaalada Garoowe ayaa galabtay lasoo gaba-gabeeyey, iyadoo ay ka soo baxeen go’aamo khuseeyey arrimihii looga hadlay shirkan, sidda ay Saxaafada u akhriyeen qaar kamid ah Isimaddii shirkan.

War si wadajir ah u soo saareen Isimaddan wuxuu u muuqday in ay ka soo horjeedaan shirkii shaley ka furmay magaalada Qardho ee gobalka Karkaar, kaas oo ay ka qeybgalayaan qaar kamid ah Waxgaradka Soomaaliyeed.

Qodobada ka soo baxay shirka galabtay soo xirmay, oo ay ka qeybgalayeen Isimo si weyn looga yaqaan Soomaaliya waxaa kamid ah.

Suldaan Bashiir Muuse Koonte ayaa Saxaafadda u akhriyey qodobada ka soo baxay shirkodoa galabtay oo socdo maalmo badan.

  1. Waxaa madashada fadhiga, isimada Puntland ee Garowe u mahadcelinayaan dhammaan isimadii iyo waxgaradkii sida joogta ah nooga lasoo xiriirayay deegaanada kala duwan ee Somalia, si ay xaqiiqda shirkaasi u ogaadaan, kuna qancay inaan shirkaasi ahayn mid dhaqan kaliya ah
  1. Waxaan sidoo kale mahadnaq iyo bogaadin u diraynaa shacabkii Puntland ee gudaha iyo dibadaba joogay, ee nala gartay dareenka aan shirkaasi ka qabnay naguna taageeray
  1. Waxaana hay’adaha Qaramada Midooba iyo madaxda dowladda Federalka ee hanka siyaasadeed ee 2016 ku jiro, ugu baaqaynaa inay faraha kala baxaan arrimaha dhaqanka ee Puntland
  1. Isimada madasha caasumadda Garowe, waxay isla garteen cawaaqib xumada ka timaada shirkaas, waxaa mas’uuliyadeeda iska leh, ciddii abaabusha ama dhaqaalaysay

Qodobadaasi kadib isimada ayaa mahadcelin u jeediyay, umadda Somaliyeed iyagoo ILAAH uga baryay in colaadaha, abaaraha iyo cudurrada ka saaro, quluubtoodana isu soo jeediyo, qarankoodiina usoo celiyo.

 

HALKAAN KA DHAGEYSO

Qaar kamid ah isimada madasha ayaa intaasi kadib la hadlay warbaahinta iyagoo sheegay inay ka xunyihiin arrimaha ka taagan Puntland gaar ahaan qaabka loo kala qaybinayo dhaqanka, waxayna tilmaamameen inay nasiib darro tahay in laga hadlo arrimo fog iyadoo aan la xallin midda ka taagan beelaha ku bahoobay Puntland.

Qoraalkan ka soo baxay Isimadda Garoowe, waxaa saxiixay oo ku qoran warqadda Saxiixa Isimada kala ah.

  1. Islaam Ciise Islaam Maxamed Islaam Muuse
  1. Garaad Cabdullaahi Cali Ciise [Afhayeenka Isimada Puntland]
  1. Boqor Cabdullaahi Axmed Cali
  1. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin
  1. Suldaan Siciid Maxamed Maxamud (Irbad)
  1. Islaam Axmed Islaam Maxamud
  1. Garaad Cabdullaahi Dacar (Tamaam)
  1. Ugaas Cabdulqaadir Cailmi (Filig)
  1. Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamud
  1. Suldaan Nuur Suldaan Maxamed Aadan
  1. Garaad Maxamed Cilmi Shirwac
  1. Suldaan Bashiir Muuse (Konte)
  1. Suldaan Siciid Maxamed (Garaase)
  1. Suldaan Cabdullaahi Saalax Cumar
  1. Islaam Mahad Islaam Maxamud Cilmi
  1. Suldaan Maxamud Xasan Cumar
  1. Suldaan Maxamed Suldaan Axmed
  1. Islaam Maxamed Maxamud Cali
  1. Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil
  1. Islaam Maxamud Islaam Yaasiin
  1. Suldaan Axmed Bashiir Ducale.