DHAGEYSO:- Ahlu-Sunah “Dowladda ayaa Mas’uul ka ah wixii ka yimaada doorashada 2016”..

0

Ururka Ahlu-sunah ee ka arimiya qeybo ka mid ah gobolada dhexe dalka ayaa ka hadlay qorshaha loo diyaariyay in ay udhacdo doorashada sanadkan la doonayo in ay ka dhacdo dalka.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah hogaamiyaha ururka Ahlu-sunah oo war qoraal ah uu soo saaray ayaa lagu sheegay wax walbo oo ka yimaada nidaamkaas in mas’uuliyadeeda ay qaadeyso dowladda Soomaaliya.

Ururka Ahlu-sunah ayaa sidoo kale waxa uu ka digay in ay cidkale keento xubnaha baarlamaanka ee ka imaanaya deegaanada ay ka arimiyaan.

Warka qoraalka ah ee uu soo saaray Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa saxaafada u aqriyay Muxudiin Jakuula oo ah madaxa warfaafinta ee ururkaasi Ahlu-sunah.

Nidaamka loo diyaariyay doorashada sanadkan in ay udhacdo ayaa Ra’iisul wasaaraha dalka waxa uu ugudbiyay xubnaha baarlamaanka kuwaas oo wali ka doodaya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-