DHAGEYSO:- Ahlusunna oo Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya ee soo booqaneysa kala hadlaya Tabashada ay Dowladda ka qabaan, Shuruuda adagna dul dhigaya

0

Mursal Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow Afhayeenka maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxa uu dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay masuul ka tahay dagaallo u dhexeeyay Ciidamada maamulkaasi iyo Ciidamo kale oo taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana dhibaato ay ka soo gaartay dadka shacabka ah ee degan deegaanadaasi.

Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Federaalka ay ka tirsanayaan tabashooyin aan la soo koobi Karin sida dagaalkii u dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb kaas oo u dhexeeyay Ciidamada maamulka Gobollada Dhexe iyo Sarkaalka dowladda Federaalka ka tirsan oo lagu Magacaabo Liibaan Madaxweyne.

Sidoo kale Mursal Sheekh Maxamed Afhayeenka maamulka Gobollada Dhexe ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan cabashooyinkooda ka dhanka ah dowladda Federaalka ay hor dhigi doonaan masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ee ku soo fool leh Magaalada Dhuusamareeb.

Hoos ka Dhageyso Codka:-