DHAGEYSO ARRIN FARXAD LEH:- Isbitaalka Soomaali Sudaaneys oo ku guuleystay in Wiil yar ay ka soo saaraan Bir uu laqay

0

C/ladiif Axmed Nuur Waa Wiil yar oo ay soo Wajahday Qatar Caafimaad ka dib markii uu laqay Cirbadda Banooniga lagu Aaryeeyo,waxaana ay Fariisatay mid kamid ah Sambabadiisa.

Axmed Nuur Mataan oo ah Aabaha dhalay Wiilkaasi ayaa tagay Dhowr Isbitaal oo ku yaalla Magaalada Muqdisho,waxaana ay u sheegeen in aan Dalka Gudihiisa wax looga qabn karin Xaaladda Wiilka yar ee Qatarta Caafimaad ay soo food saartay.

Axmed Nuur Mataan oo Quus ka taagan in Xaaladda Wiilkiisa wax looga qabto Magaalada Muqdisho ayuu 25-kii Bishaan waxaa uu booqday Xarunta Somali Sudaaneys ee Magaalada Muqdisho,waxaana Dhaqaatiirta Isbitaalka Soomaali Sudaaneys ay Saacad iyo bar ka yar uga soo saareen Wiilkii yaraa Birtii Qatarta Caafimaad Galisay,asagoo aan wax Qaliin ah lagu sameyn.

Aabaha dhalay C/ladiif ayaa ka sheekeeyay Marxalada uu soo maray wiilkiisa iyo sida Fudud ee Dhaqaatiirta Isbitaalkaasi ay ugu guuleysteen in ay Badbaadiyaan Wiilkiisa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-