DHAGEYSO:- Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay Rag ka tirsan Al-Shabaab

0

Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Xalay Howlgalo ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Baydhabo waxaa ay ku soo qab qabteen Dad aad u badan.

Ciidamada ayaa Dadkii ay soo qabteen waxaa ay ka reebeen ilaa 6 Qof oo ay ku tuhmeen in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Saraakiisha NISA ee Gobolka Baay ayaa sheegay in Lixdaan Ruux ee ka tirsan Shabaab Deg Deg Sharciga loo horgeyn doono.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Maalmahaan Baaritaano ka waday Gobolka Baay,kuwaas oo ku xaqijinaya Amniga Gobolka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-