DHAGEYSO:- Dad ku dhintay Magaalada Baladweyne

0

Iyadoo Wabiga Shabelle ee Mara Bartamaha Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan uu Fatahaad ka sameeyay Magaaladaasi ayaa waxaa Magaalada ka dilaacay Xanuunka Shuban biyoodka.

Ugu yaraan 7 Qof oo isugu jira Carruur iyo Dad waaweyn ayaa Shuban biyoodka ugu Geeriyooday Magaalada Baledweyne,iyadoo sidoo kale ay la il daran yihiin illaa 10 kale.

Maxamed Cabdulle Qalaad oo ka mid ah Guddoomiye Waaxeedyada Magaalada Baledweyne ayaa sheegay in Shuban biyoodka uu keenay Fatahaada Wabiga kadib markii Biyaha ay dibadda u soo saareen Saxaradii Musqulaha ku jiray.

Sidoo kale Maxamed Cabdulle ayaa sheegay in aysan jirin Goobo Caafimaad oo lagu daweeyo Dadka uu soo ritay Xanuunka Shuban biyoodka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-