DHAGEYSO:- Dadka fatahaaduhu saameeyeen ee Magaalada Baladweyne oo xaalad adag ku sugan

0

Dadka ku sugan magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan ayaa xaaladooda laga deyrinayaa kadib fatahaad uu ku sameeyey wabiga Shabelle ee mara gobalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay gurmad la gaari doonto dadka ay fatahaaduhu saameeyeen ee gobalka gaar ahaan Baladweyne ku nool.

Kasokow fatahaadaha, Baladweyne waxaa dhawaanahan la degay dagaal beeleedyo u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed oo gobalka si guud u saameeyey – in kasta oo si hoose loo gaaray heshiisyo horudha ah.

Kumanaan qoyska oo kasoo barakacay fatahaadaha wabiga Shabelle ayaa ku sugan degmada Ceel Jaalle ee duleedka Baladweyne kuwaas oo u badan haween, carruur iyo dad da’ ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-