DHAGEYSO:- Dowlada Kenya oo dishay Sarkaal Sare oo ka tirsan Al-Shabaab

0

Ciidamada Difaaca Kenya ayaa sheegay in ay ku dileen dagaal ka dhacay degaanka Hawina ee gobolka Jubbada Hoose 21-dagalamayaal ka tirsan Xarakat Al-shabab.

Dadka ay Kenya sheegtay in la dilay waxaa ku jira Taliyaha Al-shabab e da’yarta Salad Bart oo la rumaysan yahay in kooxdii weerarka sooq aaday uu hogaaminayay.

Bayaan ay ciidamada soo saaren waxa ay ku sheegen in iyagoo kasoo baxay Dhoobley kuna sii jeeday Tabda ay wadada u galeen rag ka tirsan Al-shabab.

Afhayeenka ciidamada Kenya David Obonyo ayaa sheegay in kooxda ay kula dagaalameen Tabda kadibna ay baxsadeen.

Obonyo waxa uu xaqiijiyay in dhankooda uusan jirin wax khasaare ah.

Afhayeenka waxa uu shaaca ka qaaday inay qabteen 17-qoryaha AK-47 iyo 5-qoryaha RBG.

Hoos ka Dhageyso Codka:-