DHAGEYSO:- Dowlada Kenya oo sheegtay inaysan ka laabanaynin go’aanka ay ku xirayso xeryaha qaxootiga ee dalkeeda

0

Madexweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegtay in dowladda kenya aysan marnaba ka laaban doonin tilaabada ay ku dooneyso in ay dib ugu soo celiso qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalka Kenya.

Hogaamiyaha dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka go’antahay in ay dib u celiso qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya ayna ka qaadi doonaan tilaabadaas maalmaha soo socda.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in bulshada caalamka looga baahanyahay in ay dowladda Kenya ku taageerto dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool xeryaha Kaakuma iyo Dhadhaab ee dalka Kenya.

Waxa uu intaas ku daray in beesha caalamka uu waajib ka saaranyahay in ay taageerto go’aanka dowladda Kenya ayna ka qeyb qaato dib celinta qaxootiga.

Ugu dambeyntii madexweynaha dowladda Kenya Uru Kenya ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda aysan ka laaban doonin go’aanka ay qaxootiga Soomaaliyeed dib ugu soo celinayso dalka Soomaaliya ,waxa uuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabi doono arintaas.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool xeryaha qaxootiga Kaakuma iyo Dhadhaab ay dib ugu soo celin doonto Soomaaliya,waxana arintaas cambaareeyey  beesha Caalamka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-