DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo isbedel ku sameysay Saraakiil ka tirsan Hay’ada NISA

0

C/kaamil Macalin Shukri Afhayeenka wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya oo shir jaraaid ku qabtay xarunta Wasaaradda amniga, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Guddi u saartay baaritaanka jir dil la sheegay in loo geystay muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo lasoo dhigay baraha bulshada.

Afhayeenka ayaa sheegay in gudigan oo xubno kamid ah ay ka socdaan wasaarada cadaalada ay baarayaan suurta galnimada jirdilkaasi la sheegay iyo waxa kajira, islamarkaana natiijada baaritaanka bulshada loosoo bandhigi doono.

Sidoo kale Afhayeenka wasaarada amniga waxa uu sheegay in shaqo ka joojin lagu sameeyey saraakiil ka tirsan waaxda baarista ee NISA kuwaas oo falkaan lala xiriiriyey, isagoo xusay in saraakiil kale la magacaabay.

C/kaamil Macalin Shukri afhayeenka wasaarada amniga ayaa ugu dambeyn sheegay in muuqaalka lasoo dhigay baraha bulshada oo aan la hubin jiritaankiisa Guddigu si gaar ah ay u baari doonaan, isagoo intaasi ku daray in muuqalka uu noqon karo mid been abuur ah oo laga shaqeeyey.

Hoos ka Dhageyso Codka:-