DHAGEYSO:- Dowlada Sweden oo Xarun Casri ah ka dhiseyso Muqdisho, Yaase degaya Xaruntaasi?..

0

Dowlada Sweden ayaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Shangaani ka wada dhismaha Xarun u gaar ah dhalinyarada gobolka Banaadir.

Xaruntaan ayaa sidoo kale loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan dhalinyararada gobolka Banaadir isla markaana ay ku qabsadaan shirarka ay isugu imaanayaan.

Gudoomiye ku Xigeenka dhinaca Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa Dowlada Sweden kaga mahad celiyay dadaalkeeda ku aadan dhismaha Xaruntaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Dowlada Sweden ay ka mid tahay Dowladaha iyo Hay’adaha sida joogtada ah u taageera maamulka gobolka Banaadir.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku Xigeenka dhinaca Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye, Safiirka Dowlada Sweden ee Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale ayaa waxay koormeereen Xarunta loo dhisayo dhalinyarada gobolka Banaadir.

Hoos ka Dhageyso Khudbada Gudoomiye ku Xigeenka:-