DHAGEYSO:- Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga la qaadayo Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare

0

Dowladda Somaliya ayaa shaacisay xilliga la qaadaayo Imtixaanaadka mideysan ee Shahaadiga Dugsiyada Sare, xilli muddooyinkii dambe uu muran ka taagnaa arintaasi.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Somaliya Xaamud Cali Xasan, ayaa Saxaafadda u sheegay in Maalinta Sabtida oo Taariiqda ku beegan tahay 28-ka Bishan in loo fariisanaayo qaadista Imtixaanaadka Shahaadiga.

Wuxuu sheegay in la xaliyay muran u dhaxeeyay Daladaha Waxbarashada dalka iyo Wasaarada Waxbarashada, islamarkaana la isku afgartay in Imtixaanaadkaasi mideysan la qaado.

Wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in Arday badan oo gaaraysa 2,000 (Labaatan kun) oo Arday ay ka qaybgalayaan Imtixaanaadka Wasaarada Waxbarashada Somaliya ay qaadayso.

“Waxaan ku wargelinaynaa Ardayda Sanad Dugsiyeedka 2015-2016 waxaan u sheegaynaa Waalidiintooda iyo Maamulada Iskuulada iyo Daladaha ay ka tirsan yihiin in imtixaanka Shahaadiga la qaadaayo Maalinta Sabtida ah oo Bisha ay ku beegan tahay 28-ka. marka Diyaar garoow wanaagsan iyo ka qaybgal wanaagsan.” Ayuu yiri Wasiir Xaamud.

46 goobood ayuu sheegay in Imtixaanka lagu galaayo, sidaasina loo kala qaybiyay oo Iskuulada ay ku galayaan Ardayda Imtixaanaadka.

Waa Sanadkii labaad oo Wasaarada Waxbarashada Somaliya ay qaadayso Imtixaanaadka Shahaadiga ah, xilli dalka horay aysan uga jiri jirin in Wasaarada Waxbarashada ay qaado Imtixaanaadka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-