DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo Dab khasaare hantiyadeed geystay oo Caawa ka kacay Kaxda

0

Waxaa goor dhow dab khasaare hantiyadeed geystay ka kacay xarunta degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Dadbka ayaa la sheegay in uu kacay salaada Maqrib kadib, waxaana uu khasaare ugeystay qalabkii yaalay xarunta degmada Kaxda.

Axmed Taajir oo ka mid ah dadka goob jogayaasha oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in aan wali la ogeyn sababta ka dambeysay dabka in uu kaco.

Waxa uu sheegay in maamulka degmada Kaxda ay wadaan dadaalo lagu daminayo dabka kacay.

Gaadiidka dab damiska maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa ay gaareen goobta uu ka kacay dabka si loo damiyo dabka.