DHAGEYSO:- Faah faahino ka soo baxaya dagaal dhexmaray Ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab

0

Waxaa maanta dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay magaalada Ceel-waaq.

Dagaalka ayaa udhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-shabaab, waxaana uu geystay dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Labada dhinac.

Sahal Macalin Aadan Gudoomiyaha Ceel-waaq ayaa sheegay in daalka dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-shabaab uu ku dhaawacmay Taliyaha ciidanka Boliiska Ceel-waaq.

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in dagaalka ay soo qaadeen Al-shabaab kadibna ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerarkii lagu soo qaaday.

Waxa uu sheegay in dagaalka maanta ay la galeen ururka Al-shabaab ay ku dileen 6 ka mid ah dagaalyahanada kooxdaasi.

War kooban oo Al-shabaab ay ku soo qoreen goobaha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka dileen Askar badan.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-