DHAGEYSO:- Garoonka diyaaradaha Magaalada Balad Weyne oo Maalintii Shanaad Xiran.

0

Waxaa istaagay howlihii Garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee Magaalada Balad weyne ka dib markii ay roobab Xoogan ay ka da’en Magaaladaasi.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ayaa xeran 5 Maalin ee ugu dambeysay waxaana la xaqiijiyay in uu sii xernaan doono maadaama ay weli jiraan raadadkii uu reebay roobabkii Xooganaa eek a dhacay Magaalada Balad Weyne.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ayaa waxaa ka soo degi jiray diyaarado gaar ah oo ay leeyihiin Saraakiisha AMISOM iyo kuwa ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed.

Garoonka ilaa hada ma jirto cid sidii la rabay u dayactirtay inkastoo uu hada shaqeeyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-