DHAGEYSO:- Gudoomiyaha G/Banaadir “ Cadaalad daro ayaa ka jirta Soomaaliya, Muqdishana waa la Xaqiray”..

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusud Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay tahay Xaquuqda Dadka ku nool Gobolka Banaadir.

Sheekh Yuusuf Xuseen jimcaale ayaa ugu baaqay Madaxda ka qeyb galaya Shirka Madasha wada-tashiga Qaran in ay keenaan Xaquuqdii Dadka ku nool Magaalada Muqdishon islamarkaana Madaxda Dowladda federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada ay ka hadlaan.

“Madaxda Dowladda iyo kuwa Mamaul Goboleedyada waxaa ay dib uga laaban karaan Heshiiskii hore oo Xubno u matala Muqdisho Aqalka sare waa la siin karaa si looga dheeraado Caddaalad darada ” ayuu yiri Guddoomiye Jimcaale.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusud Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ah oo xasaasi ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-