DHAGEYSO: Gudoomiyaha Gobolka Bari ”Dagaalyahano Shabaab ah ayaan qabanay”

0

Maamulka gobolka Bari ayaa shaaca ka qaaday in Tahriibayaal ay dhowaan ku qabteen gudaha maagalada Boosaaso ay ka dhex heleen Rag ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo Boosaaso u yimid in ay ka geystaan falal amaan darro.

Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceyd ayaa sheegay in 70 qof oo ay ciidanka Amniga ka soo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen Gudaha magaalada iyo goobaha laga soogalo ay ka dhex heleen xubno ka tirsan Alshabaab.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Bari waxa uu sheegay in ay dib u celin doonaan dadka tahriibka u socda ee ay haatan ciidanku gacanta ku hayaan, kuwaas oo uu sheegay in ay u socdeen naftooda in ay haligaan.

Ciidamada magaalada Boosaaso ayaan u ogolaan in ay gudaha u soo galaan magaalada dadka ay ka shakiyaan, waxaana inta badan ay weydiiyaan qofkasta waxa uu magaalada ka doonayo iyo cida uu ka yaqaan.

Maamulka gobolka Bari ayaa waxa ay sheegeen in ay baaritaano ku sameyn doonaan dadka Tahriibiyaasha ah ee ay soo qabteen.