DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamulka Koofur galbeed oo Arrimo Xasaasi ah ka hadlay

0

Madaxda Maxkamada Sare ee Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya aya waxa ay sheegtay in mudo 10 Maalmood ah lagu soo dhameystirayo Xarumaha garsoorka Maamulkaasi.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Sheekh Axmed C/llaahi Fanax oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay iney socdaan dadaaladii ugu dambeyay ee lagu dhisayo Xarumaha garsoorka.

Waxa uu ka warbixiyay Maxkamado ay dhawaan ka hirgeliyeen degmooyin ka tirsan gobolka Sh/Hoose.

Maxkamada ay dhawaan ka hirgeliyeen degmooyin ka tirsan gobolka Sh/Hoose ayaa waxa ay isugu jiraan heer degmo iyo heer gobol.

Gudoomiye Sheekh Fanax ayaa sidoo kale sheegay in ay ka go’an tahay in maalmaha soo socda la hirgelin doono Xarumaha garsoorka ee Maamulkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-