DHAGEYSO:- Gudoomiye Jawaari oo fariin adag u diray shaqaalaha Soomaaliyeed, kuna amray iney gutaan Waajibaadkooda

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Hambalyo ku aadan Maalinta shaqaalaha aduunka u diray Shaqaalaha Somaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin hormarinta dhaqaalaha Dalka isla markaana loo baahan yahay iney howsha ay wadaan sii laba jibaaraan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shaqaalaha Soomaaliyeed ugu baaqay iney sameystaan Ururo shaqaale sida uu qabo qodob ka mid ah qodobada Dastuurka Dalka.

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya lagu qabto Munaasabado loogu dabaal dagayo Maalinta shaqaalaha aduunka ee 1 May.

Hoos ka Dhageyso Codka:-