DHAGEYSO:- Hooyada dhashay gabar isku gubtay Australia oo codsi jeedisay

0

Hooyada dhashay gabar Soomaliyeed oo dhawaan isku gubtay dalka Australia  ayaa sheegtay in shaashadaha caalamka ay ka aragtay gabadheeda oo isku gubtay dalka Australia .

Hooyada oo lagu magacaabo Hani Ismaaciil Bilaal ayaa sheegtay in ay dowladda Australia  ay ka codsaneyso in la kulansiiyo gabadheeda oo la sheegay in xaaladeeda ay adag tahay.

Hani Ismaaciil ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo dowladda Australia  ay ka codsaneyso in ay u fududeyso sii loo geyn lahaa dalka Australia  si ay usoo aragto xaalada gabadheeda oo hada ay gacanta ku hayaan dad aan Soomaali aheyn.

Hani Ismaaciil ayaa hada joogta magaalada Garoowe caasimada puntland ,waxayna halkaas u raadsatay Baasaboorka Soomaaliga,maadaam ay isku diyaarineyso in ay aado dalka Australia .

Dhawaan ayey aheyd markii gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo  Hodan Yaasiin ay isku gubtay dalka Australia ,taa soo hada xaaladeeda caafimaad lagu dabiibaayo isbitaal ku yaala dalka Australia.

Hoos ka Dhageyso Codka:-