DHAGEYSO:- Ku dhawaad 25 Caruur ah oo uu soo ritay Cudurka Shuban biyoodka iyo Maamulka gobolka Sh/Hoose oo ka hadlay

0

Degmooyin iyo Deegaano ka tirsan gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa ka dilaacay Cudurka Shuban biyood oo saameyn ku yeeshay qoysaska danyarta ah eek u nool deegaanadaasi.

Ku dhawaad 25 Caruur ah ayuu soo ritay Cudurka Shuban biyoodka, waxaana la sheegay iney jiraan Caruur kale oo la il daran cudurkaasi.

Waxaa la sheegay in Isbitaalada ku yaalla gobolka Sh/Hoose ay buux dhaafinaya Caruurta uu soo ridanayo cudurkaasi.

Maamulka gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay iney wadaan gurmad Caafimaad oo ay u sameynayaan Caruurta uu soo ritay cudurkaasi.

Hoos ka Dhageyso Warbixin laga diyaariyay:-