DHAGEYSO: Maamulka Degmada Ceelbuur oo bilaabay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab

0

Gudoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu ka warbixiyay howlgallo ay qorsheynayaan in ay ka sameeyaan deeegaanada iyo tuulooyinka hoostaga degmada Ceelbuur.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ujeedadooda tahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa degmada Ceelbuur.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka degmada Ceelbuur iyo maamulka Galmudug ay ka wada shaqeynayaan sidii Al-shabaab looga guuleysan lahaa.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in ururka Al-shabaab ay hada ku sugan yihiin degmooyinka Galhareeri iyo Ceeldheer laakiin ay wadaan qorshe looga saarayo.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha ayaa shacabka Ceelbuur ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si looga guuleysto ururka Al-shabaab.