DHAGEYSO:- Maamulka Degmada Dhoobleey “ Waan soo dhaweyneynaa go’aanka Dowlada Kenya iyo in Qaxootida dalkooda lagu soo celiyo”..

0

Gudoomiyaha degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose Siyaad Maxamed Xasan ayaa ka hadlay go’aanka Dowlada Kenya ay ku xereyso xerada Qaxootiga ee Dhadhabaab.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in ay soo dhaweynayaan in Qaxootiga Soomaaliyeed lagu soo celiyo dhulkooda hooyo maadaama sida uu sheegay dal aan dalkooda ahayn aysan faa’iido ku qabin.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in meel loogu soo wada jeesto sidii dadkaasi soomaaliyeed dalkooda loogu soo celin lahaa.

Gudoomiyaha degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose Siyaad Maxamed Xasan ayaa sidoo kale sheegay in ay degmada dhoobleey iyo deegaanada ay ku soo dhaweynayaan dadkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-