DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Sh/Dhexe oo ku baaqay in loo gurmado dadka fatahaaddu saameysay

0

Maamulka gobalka Shabeellada Dhexe ee dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro dadka uu saameeyey fatahaadda wabiga Shabeelle.

Maamulku wuxuu sheegay inay dhankooda wadaan gargaar iyo sidii loo gacan qaban lahaa dadka fatahaaddu saameysay ee gobalka ku nool.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe Cali Guudlaawe ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid kasta oo gacan ka geysaneysa gurmadka loo sameynayo dadkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-