DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland oo diyaarisay Ciidamadii Al-Shabaab ka saari lahaa gobolada Jubooyinka iyo Gedo

0

Wasiir ku Xigeenka wasaarada Amniga ee Maamulka Jubbaland C/rashiid Janan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo gaar ah oo Al-Shabaab ka saara deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan Al-Shabaab ku sii sugnaan doonin deegaanada ay hada ku sugan isla markaana ay ka saarayaan.

C/rashiid Janan ayaa sidoo kale sheegay in Awooda Al-Shabaab ay aad u liidato, ayna ka saarayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Wasiir ku Xigeenka wasaarada Amniga ee Maamulka Jubbaland C/rashiid Janan ayaa sidoo kale Warbaahinta u sheegay in shacabka jubbaland loogu baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-