DHAGEYSO:- Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya oo taageeray go’aankii Madaxweynaha

0

Sheekh Axmed C/laahi Fanax Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ka hadlay wareegtadii dhawaan ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaas oo xilka looga qaaday Gudoomiyiha Maxkamadda Sare ee dalka Ceydiid C/laahi Ilka-xanaf.

Sheekh Fanax ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan go’aankii uu qaatay madaxweynaha oo uu xilka kaga qaaday Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.

Sidoo waxa uu sheegay in xilligan loo baahan yahay in la helo isbedel maadaama ay jirtay tabashooyin badan oo ku aadan dhanka Garsoorka.

Hadalka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli maamulka Koonfur Galbeed uu ka soo horjestay in dacwadaha la xiriira deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya in lagu qaado magaalada Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-