DHAGEYSO:- Maamulka Soomaaliland oo ka warbixiyay isdiiwaan gelinta doorashooyinka maamulkaasi

0

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka maamulka Soomaaliland Saciid Cali Muuse ayaa sheegay in illaa 6 Gobol oo kuwa maamulkaas hoostaga ah ay ka sameeyeen diiwaan gelinta doorashooyinka.

Saciid Cali Muuse ayaa xusay in diiwaan gelinta ay si habsami leh weli uga socoto deegaanada kale ee Soomaaliland balse waxa uu carabaabay in hakad yar ay ku keentay abaarihii dhawaan ku dhuftay qaar ka mid ah Gobollada maamulka Soomaaliland.

Gobollada laga sameeyay isdiiwaan gelinta doorashooyinka waxaa ka mid ah Gobolka  Togdheer,Saaxil , Maroodi Jeex , Awdal waxaana uu intaas ku daray in Gobollada dhiman la soo dhameystiri doono bisha Ramadaan kadib.

Bishii January ee sanadkaan ayey deegaanada Soomaaliland ka soo billaabatay isdiiwaan gelinta dadka codkooda ka dhiibanaya doorashada Madaxtinimo ee maamulka Soomaaliland, taas oo lagu wado in 27 Bisha March 2017 in ay ka dhacdo deegaanada maamulka Soomaaliland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-